Tag Muqdisho

Tababar Shirkadda Ramaas Software u qabatay Xafiiska Iibka Qaranka Magaaladda Muqdisho.

Shirkadda Ramaas Software ayaa tababar u soo gabagabaysay shaqaalaha Xafiiska Iibka Qaranka ee  Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho dhowaan.

Waxaa maalintii khamiista oo ku beegnayd 14ka Bisha Janaayo shirkadda Ramaas Software u soo xirtay tababar muddo u socday shaqaalaha xafiiska Iibka Qaranka. Tababarka ayaa ku saabsanaa isticmaalka iyo ku shaqeynta bogga cusub ee baahinta Iibka Qaranka (Public Procurement and Concessions Authority Portal) (PPCA) kaas oo shirkadda Ramaas Software oo kaashanaysa Activis Ireland ay qayb ka ahayd samayntiisa ayna mas’uul ka ahayd bixinta tababarada shaqaalaha.

Shaqaalaha xafiiska Iibka Qaranka oo dhan 13 xubnood oo isugu jira dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay xafiiska Iibka Qaranka ayaa tababarka ka qayb qaatay. Waxay shaqaaluhu halkaas  ku qaateen aqoon ku saabsan sidii ay u maamuli lahayeen boggaas casriga ah ayna ugu shaqeyn lahayeen qaybihiisa kala duwan.

Bogga Internetka ee Iibka Qaranka wuxuu ka shaqeynayaa diiwaan gelinta shirkaddaha Soomaaliyeed ee danaynaya inay ka qayb qaataan mashaariicda dawladda federaalka Soomaaliya ay soo bandhigayso hadey noqon lahayd qaadasho mashruuc horumarineed, dhismeed, adeeg bixin iwm.

Waxa kale oo boggu qabanayaa in lagu daabaco dhamaan qandaraasyada Qaranka, nooca qandaraasku yahay, qiimaha qandaraaska, meesha laga fulinayo, isla markaasna lagu sheego shirkadda ku guulaysatay qandaraaska.

Marka shaqada qanadaraasku dhamaato waxaa bogga lagu soo gudbinayaa warbixino ku saabsan sida shirkaddu shaqadii u qabatay iyo inay wax ka dhiman yihiin howshii loo igmaday.

Wuxuu boggu sidoo kale noqonayaa goob lagu sheego shirkaddaha aan shaqadooda sidii la rabay uga soo bixin, hadii shirkadda ay si xun u maareyso howshii loo dirayna waxaa bogga lagu sheegayaa in shirkaddaas la mamnuucay, dadweynahana ay la soconayaan shirkadaha ceeboobey oo shaqooyinkii loo diray aan qaban.

Boggan (Portal) wuxuu si weyn wax uga bedelayaa habka la socoshada Iibka Qaranka, wuxuuna meesha ka saarayaa nidaamkii hore ee ahaa in dadweynuhu suuqa ka maqlaan wararka qandaraasyada dawladda Soomaaliya bixisay iyo sida loo maamulay. Wax kasta oo ku saabsan Iibka Qaranka (Somali Public Procurement) wuxuu soo marayaa boggan cusub dadweynhuna si toos ah ayey ula soconayaa iyo cidkasta oo danaynaysa.

Waxyaalo kale oo fara badan ayuu boggu qabanayaa, wuxuuna ka kooban yahay qaybo badan oo kasii badan inta aan kor ku sheegnay.

Shirkadda Ramaas Software waxay u hambalyeynaysaa dhamaan shaqaalaha Xafiiska Iibka Qaranka ee tababarka ka qayb qaatey. Waxay kaloo si gaar ah ugu hambalyeynaysaa  Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Federaalka Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Federaalka Drs. Aamina Sh. Cusmaan, Agaasimaha Tababarada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda  Shukri   Xasan Cusmaan, Maareeyaha Xafiiska Iibka Qaranka Abuukar Cabdule, ku xigeenka maareyaha Xafiiska Iibka Qaranka Ismaaciil Aweys Cali,  ciidanka amaanka Wasaaradda maaliyadda iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya sida wanaagsan ee ay noogu fududeeyeen inaan howsha tababarka si wacan u gudano iyo soo dhoweyntii wacnayd ee aan kala kulanay.