Madaxa Shirkadda Ramaas Software oo ka qayb galay Bandhig Shaqo doon

Shirkadda Ramaas Software ayaa maanta ka qayb gashay bandhig shaqo doon oo lagu qabtay magaalada Boosaaso kaas oo laysugu keenayey gabdhaha waxbartay iyo ganacsatada Puntland.

Bandhigaan oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey hay’adda Iftin Foundation iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Shirkadda Ramaas Software oo doorkeeda qaadatay ayaa waxaa goobta uga qayb galay agaasimaha guud ee shirkadda Siyaad Cali Yuusuf kaas oo ka hadlay arimo badan oo ku wajahan sida gabdhuhu ay shaqo u heli lahaayeen iyo guud ahaan sida ay uga faa’iidaysan lahaayeen aalada casrigaa ee Internetka.

Waxaa shirkadda Ramaas Software tustay gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Puntland in fursad badani ka furan tahay isticmaalka Internetka ayna shaqooyin iyagu abuuran karaan. Waxaa la wada ogyahay in Internetku uu fursado aan hore loo arag caalamka ku soo kordhiyey asaga oo awood siiyey qofka shakhsiga ah inuu abuuran karo shaqo ku dhisan internetka ama onliine ka.

Shirkadda Ramaas Software agaasimaheeda ayaa u dulmaray gabdhaha goobta soo xaadiray inay haboon tahay inay wax ka bartaan sida Internetka looga faa’iideysan karo ayna bartaan cilmiga la xiriira samaynta websiteska, ka ganacsiga Internetka iwm.

Waxaa kaloo shirkadda Ramaas Software balan qaaday inay laba gabdhood siin doonto Internship iyo training hadii gabdhuhu  ku guulaystaan internshipkana ay shirkaddu shaqo siin doonto. Waxaa kaloo shirkaddu balan qaaday gabdhihii la yimaado fikir fiican iyo barnaamij dhaqan geli kara in ay shirkaddu u samayso websites bilaash ah oo ay barnaamijkooda ku gudbiyaan ugana shaqeystaan.

Xafiiska Wararka ee Bosasotimes.com